Heesta Yabaal - Lyrics
Halla yaabin waayaha
Iyo wixii yimaaddaba
Ha yaraysan caashaqa
Yicillana ha u jarin
Ha la yeelin nacabkeenna
Waxay kugu yiraahdaan
Yabaal baa labo is jecel
Kala yaaciyee
Yididdiilo waynoo
inaan yohow yarayn baad
Niyaddii u yeeshoo
Farxad kuugu yeeree
Ha ka yeelin nacabkeenna
Waxay kugu yiraahdaan
Yabaal baa labo is jecel
Kala yaaciyee