VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Aan is helno - Lyrics

Magool Hubqaadkaaga wanaagsan Hanaaanka oo wacan Ayaa I halafsanayee Ila hadal adigaan kuu hanwaynee. Axmed Sida hilaac indhihii kugu haftoo Hoobaan ku moodiyo hir dooglee Ii hogaansan anigaa kuu hanuunsane Magool Aan heshiino, aan wada heyno Ii hiloow waan kuu heelanahee. Axmad Aan is helno, aan is hanano Ii hiloow waan kuu heelanahee. Magool Sida hogol da aysoo Loo qabo haraad wayn Ayaan kuu handanaya Ila hadal adigaan kuu hanwaynee. Axmad Hedaydii adigaa u halisoo Halbawlii wadnahaad I heeysaa Ii hogaansan anigaa kuu hanuunnsane Magool Aan heshiino, aan wada heeyno Ii hiloow waan kuu heelanahee. Axmad Aan is helno, aan is hanano Ii hilow waan kuu heelanahee. Magool Anba waan halcanayaa Kuu hafeefanayaaye Hilbihey damqanayee Ila hadal adigaan kuu hanwaynee Axmad Hawlihii kalgacalkaa ina heysto Hakran mayo wixii aan hadayee Ii hogaansan anigaa kuu hanuunsane Magool Aan heshiino, aan wada heeyno Ii hiloow waan kuu heelanahee Axmad Aan is helno, aan is hanano Ii hiloow waan kuu heelanahee.
Queue is empty
-- / --