Aabulaha libaaxiyo
jaan dheerta boodiyo
Waayeelka jaqafsada.

Jirridaha habeenki
wixii jiirro waagaa
jeenigu xanuuna.

Allay lahay jaceylkii
jir iyo eeg umaad bixin.
Aniguna ka joog iyo
haku jabin imaad oran.

Waxba jeersi yaabi leh
jirid xumaad imarasiye,
Ilaahi joogay baa jira
allihii joogay baa jira.

jad la qabaa jir
jirjiirsani intaad bayd u geysa
ama jar iyo buur dheer.

Khalkhigana bar baa jira
inteey ku hor jaweystaan
waqle kugu jar waliyee.

Allaylahe sidii jagi dhalinyeeysto
jiidheen wacadkii majixna
adiga unbaa ku joogsaday.

Waxba jeersi yaabi leh
jirid xumaad imarasiye,
Ilaahi joogay baa jira
allihii joogay baa jira.

Ifka waxaad la joogta
janaduu ku geeyaa
ama samarka jahanaba
Jaceylkuna sidoo kale
wuxuu ku jihiya
amase laama kula jaba.

Allaylehe shaleeydi iyo
jururuqdaadii sidaan dag
jiilaal jalmis baan ba ka qaadaye.
Ifka waxaad la joogta
janaduu ku geeyaa
ama samarka jahanaba.

Waxba jeersi yaabi leh
jirid xumaad imarasiye,
Ilaahi joogay baa jira
allihii joogay baa jira.

Exit mobile version