VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Amaantaada - Lyrics

Xaliimo:- afar iyo tobnaad iyo dayaxii aduunkoow Axmad:- iftiinkii arooryo iyo cadceedii aduunkaay Xaliimo:- markaan ku eegaba indhahaad u roontee. Axmad:- anna aragtidaadaa iimaanka deeqdee Xaliimo:- amaantaada inanyahaw inyarbaan ka sheegee maxaan kugu idhaahdaa Alaa ku dhameeyee. Axmad:- amaantaada inayahey inyar baan ka sheegee maxaan kugu asteeyaa alaa ku dhameeyee. Xaliimo: Sidii oogta waabari ilayskii aduunkoow Axmad:- sidii ubaxa beeraha udgoonkii aduunkaay. Xaliimo:- wixii uurka kaa gubey afka lagama dhawree. Axmad:- Ruuxii ibtilo qaba lama aamusiiyee. Xaliimo:- Amaantaada inanyahaw inyar baan ka sheegee maxaan kugu idhaahdaa alaa kuu dhameeyee. Axmad:- Amaantaada inanyahay inyar baan kasheegee maxaan kugu asteeyaa Allaa kuu dhameeyee. Xaliimo:- Sidan kuu ogsoonahey amaankii aduunkoow. Axmad:- sidaan kuu aqoonsanahay asluubtii aduunkaay. Xaliimo:- Aadaniyo Xaawaa dhibta lagu abuuree. Axmad:- Iyagaa jacaylkii u adkeeysan waayee. Xaliimo:- Amaantaada inanyahaw inyar baan ka sheegee Maxaan kugu idhaahdaa Alaa kuu dhameeyee. Axmad:- Amaantaada inanyahey inyar baan kasheegee maxaan kugu asteeyaa Alaa kuu dhameeyee. Xaliimo:- anigaa is keeniye ugaaskii aduunkoow Axmad:- inagay is aroosiye ayaankii aduunkaay. Xaliimo:- Araweelo iibixi Anaa kuu ogolaadee. Axmad:- Odeey Biiqey igu sheeg anba kuma Ilaawine. Xaliimo:- Amaantaada inanyahaw inyar baan ka sheegee Maxaan kugu Idhaahdaa Alaa kuu dhameeyee. Axmad:- Amaantaada Inanyahey inyar baan ka sheegee maxaan kugu asteeyaa Alaa kuu dhameeyee.
Queue is empty
-- / --