VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ammaantaada inanyoow - Lyrics

Afar iyo tobanadiy Dayixii aduunkoow Iftiinkii arooriyo cadceedi aduunkaa Markaan ku eegaba indhahaad u roonte Ana aragtidaa Iimaanka deeqde Ammaantaada inanayhoow inyar baan ka sheegee maxaan kugu iridahaa allaa kugu dhammeeyee Ammaantaada inanyahay inyar baan ka sheegee maxaan kugu asteeyaa allaa kugu dhammeeyee Sidii awfta waa beri Ileeyskii aduunkaa Sidii ubaxa beeraha Udgoonkii aduunkaay. Wixii uurka kaa gubay Afka lagama dhowree Wixii ibtilo qabo Lama aamusiyee. Ammaantaada inanayhoow inyar baan ka sheegee maxaan kugu iridahaa allaa kugu dhammeeyee Ammaantaada inanyahay inyar baan ka sheegee maxaan kugu asteeyaa allaa kugu dhammeeyee Sidaan kuu ogsoonahay Amaanki aduunkkoow. Sidaan kuu aqoonsanahay. Asluubtii aduunkaay. Aadan iyo xaawa Dhibta lagu abuuree. Iyaga jaceylkii u adkeysan waayee. Ammaantaada inanayhoow inyar baan ka sheegee maxaan kugu iridahaa allaa kugu dhammeeyee Ammaantaada inanyahay inyar baan ka sheegee maxaan kugu asteeyaa allaa kugu dhammeeyee Anigga is keeniye Ugaaskii aduunkoow Inaggay is aroosiye Ayaankii aduunkaay. Arawelo ii bixi. anaa kuu ogolaade. Oday biito igu sheeg. anaba kuma ilaawee. Ammaantaada inanayhoow inyar baan ka sheegee maxaan kugu iridahaa allaa kugu dhammeeyee Ammaantaada inanyahay inyar baan ka sheegee maxaan kugu asteeyaa allaa kugu dhammeeyee
Queue is empty
-- / --