VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Badda caashaqeen Gudhin - Lyrics

bada caashaqeen gudhin
een cidi ka soo bixin
adey baraye ma ogtahey
kolkii aan bariinsadey
kabaxdaye maxaa dhacey
beeneysey wacadkii
nabsi waa ma baaqdee
adoo baahan la arkee
inaan kuu badheedhee
adigoo bukoodoo
bogsadaan hawlyareyne
bir ku goysayee
aheey barashadeenii

buuqiyo walaaciyo
beerkeyga lahashada
adaa badayee ma ogtahey
kolkuu bixiyey laamaha
uu baahey adigaa
bar xun igaga leexdee
nabsi waa ma baaqdee
adoo baahan la arkee
inaan kuu badheedhee
adigoo bukoodoo
bogsadaan hawlyareyne
bir ku goysayee
aheey barashadeenii

buuqiyo hamiga iyo
boholyawga xiisaha
adey barayee ma ogtahey
kolkuu beleley ololkii
meel baaxad sooraha
baryo igaga baydhee
nabsi waa ma baaqdee
adoo baahan la arkee
inaan kuu badheedhee
adigoo bukoodoo
bogsadaan hawlyareyne
bir ku goysayee
aheey barashadeenii.

Queue is empty
-- / --