VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Canab - Lyrics

Canabeey sidaan qabo Cirkoo wada daruur iyo Fad cadaan ah keenoo Muuqanin cad ceeduna X2 Dhulku uu cagaar iyo Cosob gaara leeyahay Cuud kuna inoo dhalay X2 Dhalin yaroo ciyaartiyo Cada loolka fiid kii ku Caweysay sheekadaa Cimri ha isku keensimo X2 Cisho roobku uu da'ay Iyadoo ay ciid tahay Dhirtu caadadeediyo Carfi gaar ah leedahay X2 Oo cidhifka reerahaa Ubax caynba cayn ihi Is cidhiidhshay kaymaha X2 Gabdhuhuna cidaad iyo Dhiilka culayga saareen Caafimaadka nololeed Cimri ha isku keen simo X2
Queue is empty
-- / --