VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Dad hadaad is qabataan mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Ahmed Mooge
Dad hadaad is qabataan

Dad hadaad is qabataan
Ilayn waad la doodaa
Dugaagoo ku weerara
Yur baa lagula dabaalaa
Duufaanka xooga leh
Waa laga ducaystaa
Shay kastoo nafta u daran
Waxbaa lagula daalaa

Bello waxa u digo kulul
Damci xume jacalylkaa
Daan daansi badanaa
Waa dira diraalee
Ninkuu maalintaa dago
Ama uu la helo dabar
Ayaa diifka abadkii
Dusha aad ka garataa
Darani inuu helay
Uu dakharo kaga tagay

Anna doorsan waayuhu
Daraygiisa may sudhay
Midaan digigixoonayn
Aa naftu maydulgalsaa
Naftu naftu naftu
Naftu maysku duubtaa
Iyana may igu digataa
Inaan doono mooyee
Miyaan dibad ka hoydaa

Dabku huro jaleecada
Uuka beermo daymada
Dunqulaalka shaydaan
Dhedo iyo xanuun iyo
Dabkay huriso barashadu
Inuu cudur da wayn yahay
Nin kuu helo dawoobayn
Inuu yahay dabiibtii
Intuu hore u dabar jaray
Ninkii qays ahaa kow
Ku daroo cilmina laba
Afartuu deldeliyoo

Ma ceeblaa dub loo arag
Inta layla kaga daray
Intuu daarka aakhiro
Ku daboolay caashaqu
Hodan haw danbaysee
Ma cid bay ka dedan tahay

Ana doorsan waayuhu
Daraygiisa may sudhay
Midaan digigixoonayn
Aa naftu maydulgalsaa
Naftu naftu
Naftu maysku duubtaa
Iyana may igu digataa
Inaan doono mooyee
Miyaan dibad ka hoydaa

codkii Ahmed Mooge