Aan damaq jacayl
dad is raba warkood
kaa daadajee
waxay ugu darnayd
markii aan dul imid
taan dunida rabay

iyadoo doog dhex jiiftoo
daawanaysa ubaxoo

soo raaxa damacday
durba garayski furatay
sii daysay timihii

aan idhi ma daysaa
mise waad dugsiisaa
dibnaha ma isa saartaa
yaa dookhu heli jirayeey
dadaw maxaad ku taliday

Aan dad iyo maal
deeqaha ilaahay
kaa daadaajee
Waxaan aa ideynay
dumar iyo dhibtood
hor ilaahay deyn

Wuxuu sida daruuraha
sagal waa’u daalacay
Waa nud muuqa dahab loo
hadaan anigu daynlaa
dahaa igu dirqinayee

Aan is idhi ma daysaa
mise waad dugsiisaa
dibnaha ma isa saartaa
yaa dookhu heli jirayeey
dadaw maxaad ku taliday

Exit mobile version