Dhaban kaygii ciil
Dhalan dooriyoo
Dhamac oogan iyo
Halasay dhuftee x2

Milicdaygu dhoow
Dhabtii taan qaboo
Xididkii dhudiyoo
Dhiigay karee x2

Dhagax waaqle iyo
Waran igu dhacyoo
Dhul cidla'a naftaydii
Dhinac ii ridee x2

Dhulka waan soc-
Daa waana dhaaf-
Sanee cirku waa
Dhow yahay waana
Dheer yahee x2

Dhalin yarow ma
Og tihiin dhibtaan
Dhalin yarow ma
Ogtihiin diiftaan
Qabee x2

Dhibta caashaqiyo
Dheelkii xumaa
Sida dhibicda roob
Igu soo dhacoo x2

Dhul baraf hurdaa
Dhabba ii noqdee
Dhaxan iyo qabow
Dhuuxa iga galee
X2

Sida dhidibta tiir
Seedu ii dhismoo
Dhan inaan dayiyo
Jaleeca waan dhigee
X2

Dhulka waan soc-
Daa waana dhaaf-
Sanee cirku waa
Dhow yahay waana
Dheer yahee x2

Dhalin yarow ma
Og tihiin dhibtaan
Dhalin yarow ma
Ogtihiin diiftaan
Qabee x2

Dhagar iyo naxdini
Ileen way dhacaan
Dhaawac aan lafilan
Waaloo dhintaa x2

Qoloba dharaar
Dhib baa soomartee
waxan dhigana maqal
Dhaayuhuna arag x2

Igu soo dhacoo
Taan u dheelliyaa
Walaalkay dhismiyo
Dhaxdin ugu tagtee
X2

Dhulka waan soc-
Daa waana dhaaf-
Sanee cirku waa
Dhow yahay waana
Dheer yahee x2

Dhalin yarow ma
Og tihiin dhibtaan
Dhalin yarow ma
Ogtihiin diiftaan
Qabee x2

Exit mobile version