VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhulka baraf v2 - Lyrics

Dhaban kaygii ciil Dhalan dooriyoo Dhamac oogan iyo Halasay dhuftee x2 Milicdaygu dhoow Dhabtii taan qaboo Xididkii dhudiyoo Dhiigay karee x2 Dhagax waaqle iyo Waran igu dhacyoo Dhul cidla'a naftaydii Dhinac ii ridee x2 Dhulka waan soc- Daa waana dhaaf- Sanee cirku waa Dhow yahay waana Dheer yahee x2 Dhalin yarow ma Og tihiin dhibtaan Dhalin yarow ma Ogtihiin diiftaan Qabee x2 Dhibta caashaqiyo Dheelkii xumaa Sida dhibicda roob Igu soo dhacoo x2 Dhul baraf hurdaa Dhabba ii noqdee Dhaxan iyo qabow Dhuuxa iga galee X2 Sida dhidibta tiir Seedu ii dhismoo Dhan inaan dayiyo Jaleeca waan dhigee X2 Dhulka waan soc- Daa waana dhaaf- Sanee cirku waa Dhow yahay waana Dheer yahee x2 Dhalin yarow ma Og tihiin dhibtaan Dhalin yarow ma Ogtihiin diiftaan Qabee x2 Dhagar iyo naxdini Ileen way dhacaan Dhaawac aan lafilan Waaloo dhintaa x2 Qoloba dharaar Dhib baa soomartee waxan dhigana maqal Dhaayuhuna arag x2 Igu soo dhacoo Taan u dheelliyaa Walaalkay dhismiyo Dhaxdin ugu tagtee X2 Dhulka waan soc- Daa waana dhaaf- Sanee cirku waa Dhow yahay waana Dheer yahee x2 Dhalin yarow ma Og tihiin dhibtaan Dhalin yarow ma Ogtihiin diiftaan Qabee x2
Queue is empty
-- / --