Magaca Fanaanka: Ahmed Mooge Liiban
Magaca Heesta: Dumar.

Marwo idil taan ka doortay
Dawadayday ha i diidin.

waan ku doonay doonay dumar
waan kuu dugaalay dumar
Xagee baan kaa dayaa.

Dabkaa i gubayo damiyoo
dag dag u qaboo danteenii.

Waan ku doonay doonay dumar
waan kuu dugaalay dumar
xagee baan kaa dayaa.

Deeqdiyo duunyadayba adinbaa
kugu dareyeelaa

Waan ku doonay doonay dumar
waan kuu dugaalay dumar
xagee baan kaa dayaa.

Exit mobile version