Haadduu sahan go’doomoo
Geeda doonayaa
Gaajiyo harraad
Markeey gabax noqdaan

Aar meel usii siigalay
Haddeey gawracaan
Garta kii wax garadaa
Loo geeysan jiree
Gaasiraay innaga
Yeey ina kala guraayaaa

Geedihii isdiidee
Gashii kala dhexyaallo
Ee geeri iyo dhiig
Goortaa iney dagaalaan

Ee geeddi kala raree
Oo gumaar kala galoo
Gartay ina sanweynaa
Loo geysan jiree

Gaasiraa innagaaaa
Yeey kala guraaaya

Hadduu gugu da oo
Guunyadu dhashoo
Iyo galab carroo
Geedi loo lalabay
Geeljire harraaddani
Haddii beesha uu gubo
Gartaa kii wax garadaa
loo geeysan jiree

Gaasiraay innagaaa
Yey ina kala guraaya

Hadduu guluf dhaqaa
Maal gabagabeeyaan
Oo niman gabraartiyo
Beed guri kahoos kaco
Oo labada geesood
Ku goobeeyo haadkii
Gartaa ina sanweynaa
Loo geeysan jiree

Gaasiraay innaga
Yeey ina kala guraaaya

Exit mobile version