VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Hilaac qaaci mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Ahmed Mooge
Hilaac qaaci

Imisaan ku hor joogoo
Wanaag kaa hilinaayoo
Iska daa hadal toosane
Warba kaa heli waayoo
Wejiga aad iga hiiftay

Adduun waa hadh wareega
Waa habeen iyo maalin isku
Soo hirdamaaya waa habow
Iyo toos is hareera socdee

Waayihii kol i heeray haduu
Heeryo kusaaray inaan ku hab-
Jileecaa waa midaan lahelay-
Nine hiyigaaga kasaar

Hogob caleenliyo adoo hadh
Jiifee dhaxan haraad halaase
Joogee

Habeenka maalin socodka
Hiifoo hirig cadaadeed hug-
Ayga reebtee

Nafsiga hiishaan heedhe
Kula haleeloo hoogtooy
Wanaagani waa kaad
Haleyseen kula hor jogee

Mar baad hilaaciyo hogol
Ahaydoo mar baad hiray-
Soon Ku hiigsanaayee

Sowkii hacowgiyo ahaa
Habenka halyayga manta
Lagu halmaamay

Nafsiga hiishaan heedheh
Kula haleeloon hoogtooy
Wanaagani waa kaad haley
Seen kula hor joogee

Marbaad hubka is wada
Hareer ordaysoon anna
Hangool iyo gudimo hee-
Stee

Adoo hitiitiqay hadaad
I hoos timid oon geedna
Haysan waa hiil Ilaahay

Nafsiga hiishaan hooy
Kula haleeloon hoog
Tooy wanaagani waakad
Haleyseen kula hor jogee

Ha moodin adiguun inaan
Ku hiifee haween dhamaan
Baan ka hawl yaraystee

Hiil iyo hooba mid kuu han
Weynoo ku hanta mawle ha
Kuu hibeeyee

Ilaah hortaadiyo heedhe
Hareera haagaba halkaad
Marayso hakuu hagaajee
Nabad kusii hoyo

codkii Ahmed Mooge