Heesta Itaageer - Lyrics
Tiiraanyo cuduriyo
Nimeey toowsin haysaa
Illee taah maddaayee
Waxaan tabanaayaabaa
Weli tiigsadaayoo
Soo taabi waayeee
Itaageer allahayoow
Arinteeydan kala taal
Adaa toosin karayee
Taariikhda dunidaa
Iyadoo isdaba taal
Ninba meel ku tuurtee
Aniguna tusmaystoo
Qayrkeey halkuu tagay
Ku tabaabusheeystee
Itaageer allahayoow
Arinteeydan kala taal
Adaa toosin karayee
Tabaalada adduunyadee
Ninwalbaba utaallaa
Anigeey ituruqdoo
Tagoogahay ijabisoo
Ka tallaabsan waayoo
Waa anigan tasooboo
Itaageer allahayoow
Arinteeydan kala taal
Adaa toosin karayee
Turuqiyo laxaadiyo
Tamariyo xooggaa
Jacayl ig tan roonbaa
Igu tiirshay geedoo
Xarig igu tigtigayoo
Waan tiicayaayee
Itaageer allahayoow
Arinteeydan kala taal
Adaa toosin karayee...