Waayaha aduunyada
ku wax qaadan maysidee
ruux walaal ku moodaa
hadii uu ku weheshadoo
oo aad wacad ka diidaa
warankaad ku turtaa
kugu weecan doonee

Jaceyl kuma wareyste
waa igu waabaristee
halbaluhu ma wado dhiig
wadnahana ma siiyee
wadkeygi ha noqoninee
hadaad adigu wacantahay
ani way i raacdee

Sidaan waalanahay baa
leygu wiirsadaayee
wadar ila taliyaan
waanadiisa diidee
adigaa i wiiqee
hadal aan wadaangniyo
waayahay aan kaa helo

Exit mobile version