VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z


Wareysay Lyrics

Warisay dharaarahan
Ma ogtahay walaaciyo
Wel wel iyo dhibaatiyo
X2

Wahsi aan hadheen iyo
Wal bahaar ku beertaye
Waxse aad ogaataa
Ifka laguma waaree
Nabsi nabsigaa war-
Gee X2

Waqal kaad uguurtiyo
Wakhtigaa ku saaciday
Ana waayi maayee ad-
Igoon iwaydiin halka
Aan ka wiiqnahay ha
Igu dhaafin waayaha
X2

Warisay dharaarahan
Sida laygu kaa wadhay
Hadaad iigu weernayd

Ama ay waxyeeladu
Waax yaha jirkaagiyo
Wadnaha halbowlaha
Inta ayku wayn tahay
Warmo warmo kaaga
Yaaliin x2

Waata haysa cashaqa
Wacanow hadraawiyo
Cabdi waayuhu baday
Sida weriye caan baxay
Ama weli siraataad
Warka iiga guri lahayd
X2


Lyrics by: abdirisak99
loading..
-- / --