1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane
Dal iyo duunyo adaan kuu deyhaayee
Iyadaa i duleeysee damac malee
Meel daawo leh yaa ila doonaayee
Kuma diidani waaku doonaayee
Dabinaa laygu xerayee ley dilee
Darxumaan ku jiraayee daraadaadee
Doon-doonistaadaan ku daalayee
Daaftiin maro adigaan kaa dayee
Dadkeygi dartaadey ii deyriyeen
Doqoneey dabcigaaney dooriyeen
Waa ley dilay waa ley dagaalayee
Darbiyaa laygu oodee dartaadiyee
Daartiin ku Jiraan dibadda laga xeree
Inaan ku daymoodaa la diidayee
Kuma diidani waaku doonaayee
Dabinaa laygu xerayee ley dilee
Darxumaan ku jiraaye daraaddaa
Dabka aad ku nooshahay waan kuu deeyhaaye
Aan dartaa u dulloobee damac malahee
Meel daawo leh yaa ila doonaayee
Meel duur cidlo aan soo dawaafayee
Duufaan iyo dabeylaan dugaashadee
Darinteey dhana waasoo duubtayee
Darbi jiif iyo Dulliyaan doortayee
Ha isku daalanin duurkaas dugaag lahee
Meel kuu daranee ha isku deyninee
Inaan ku daryeelaan u duubtayee
Daruufta ihaysaan la daahayee
Kuma diidani waaku doonaayee
Dabinaa laygu xerayee ley dilee
Darxumaan ku jiraa daraaddaayee
Dal iyo duunyo adaan kuu deyhaa
Iyadaa i duleeysayee damac malahee
Meel daawo leh yaa ila doonee
Waxa ii daran dayaxdiin Doortayee
Dabin may u dhigeen mise waa dileen
Dambigii Gashayaa soo daahiree
Duco waalid habaar maad ka dooratee ?
Waa ley dilay waa ley dagaalayee
Darbiyaa laygu oodee dartaadiyee
Daartiin ku Jiraan dibadda laga xeree
Inaan ku daymoodaan la diidayee
Kuma diidani waaku doonaayee
Dabinaa laygu xerayee ley dilee
Darxumaan ku jiraa daraaddaadee
Dalka aad ku nooshahay waan kuu deey
haayeAan dartaa u dulloobee damac malahee
Meel daawo leh yaa ila doonaayee
Kuma diidani waaku doonaayee
Dabinaa laygu xerayee ley dilee
Darxumaan ku jiraa daraaddaadee