Gabdhahaan gacalkoodaa
Gabigeega ku dhamaade
Wax kuuma galaanee
Waxna kuuma gartaanee

Garabka yaa iiga galo
Oo gar usheegahaayee

Gurigooda agtiisaan
Galab walbo tagaayee
Gogal layma dhigee iyo
Gabmar aan fadhiistee

Garabka yaa iiga galo
Oo gar usheegahaayee

Gacalkood ku gaboobee
Garka iiga cadaadee

??
Gibalkee udhamaadee
Garka iigu cadaadee

Garabka yaa iiga galo
Oo gar usheegahaayee

Minaan gacalkay soo gantee
Walee anaa igaartayee
God aaqiro iiga roon
Gabdhahaan see ii galeenee

Go’eey Anay i gaartee
Minaa gacalkeega soo gafee
God aaqiro iiga roon
Gabdhahaan see ii galeenee

Garteeda guula aa ogee
Minaad i gooysay kaa go’ee
God aaqiro iiga roon
Gabdhahaan see ii galeenee

Lyrics by: Faatumiina

Exit mobile version