Heesta hees 3 - Lyrics
waa la ii adimay axadii sidaan kuu eegayee x2
arageeda taan ku ildoog sadaay ma ilowsan tahay axdigaad martiyo meeshaad itidhi waan imaanayaa x2
imisaad fariin ergo soo dirtoo oontiyo biyaha hurdo aawaday uga soo maneed x2
eed layga keeniyo misna amar ilaahay kuma aad maq naanine adigayska baaqdee x2
hadaad itiraahdo iman maayo ma aadeen halka aad ogsoon tahay x2
indhahaa habeenkii ku ilaalinaayoo dhamideed adduun yada afarteeda waax yood hadba gees u eegee x2
anigaa isla hadloo mar waxaan idhaahdaa ku ilaawi maysee way imane sii joog
mar waxaan idhaahdaa axdigaydun dhigateen kolay oofin maysee x2
samir eebo qaadoo ka fogow agteedaan uurkayga galiyaa x2
aramida jaceel baa i hogaaminaysoo misna kama adkaystoo kama hoydo aydoo naftu olol madaysee x2
aamusnow habeenkii ugbaadka iyo doogaa tiiraanyo ooyoo idilkood xidigahaa afar qaaday socodkee x2
ubax baan guroo soo ururiyoon amranow golihii oodii madhnayd ku ila xidhoon ku ag daadiyoon weheshada idhee x2
eedaanka diigoo oogsaday salaadiyo waagoo iftiimaan keligay inaan ahay asaraar ka saaroon adimaha cuskadayoon dib usoo arooree x2
bal siday ahaataba laba eegtay caawee x2
qof amaano lumiyoo iibsaday xilkeedii samaan ugama aayee x2
aan kala war haynaan ku afgooyay heestee maxay adiga kula tahay x2