Heesta Seylici - Lyrics
Hoobalayee haaboow
Waa gabar suldaan dhalayoo
Sallibeey kuhuraddaayee
Hoobaalayeey haabooy
Sallibeey kuhuraddaayoo
Waa la soo sasabayaayoo
Hoobaalayeey haabooy
Waa lasoo sasabayaayee
Ha u samir darnaaninayee
Hoobalayeey haaboow
Gabadhuna ma coomaaye
Oodduuna ma cadaadbaa
Hoobalayeey haaboow
Odayadu ma ciidbaayee
Dumarkuna ma ciribaayee
Hoobaalayee haaboow
Ama oodda naga gura ee
Ama eeyda nagu dira ee
Hoobalayee haaboow
Waa gabar suldaan dhalayoo
Sallibeey kuhuraddaayee
Hoobaalayeey haabooy
Sallibeey kuhuraddaayoo
Waa la soo sasabayaayoo
Hoobaalayeey haabooy
Waa lasoo sasabayaayee
Ha u samir darnaanina ee
Hoobalayeey haaboow
Guur baan usoconnaayee
Gaddaas iga guddoonsada ee
Hoobalayeey haaboow
Giddi gacaladeediyo
Geedkii baynu joognaaye
Hoobaalayee haabow
Idinkuna garowsada
Yaan gadaal loo celinee
Hoobaalayeey haabow
Waa gobiyo caadkeedii
Idinkana gaawaha ucula ee
Hoobaalayeey haaboow
Guushiinna weeyaane
Yaan gadaal inoo celinee
Hoobaalayeey haaboow
Sidaan qabooo
Sallibeey kuhuruddaayee
Hoobalayee haaboow
Waa gabar suldaan dhalayoo
Sallibeey kuhuraddaayee
Hoobaalayeey haaboow
Sallibeey kuhuraddaayoo
Waa la soo sasabayaayoo
Hoobaalayeey haaboow
Waa lasoo sasabayaayee
Ha u samir darnaaninayee