Soo dhawaada soo dhawaada
Waa dalkiinee ku soo dhawaada
Soo dhawaada soo dhawaada
Waa dadkiinee ku soo dhawaada

Sabano dheeriyo sanooyin badanbaa
La idin sugaayee
Sabano dheeriyo sanooyin badanbaa
La idin sugaayee

Soo noqod wanaagsan
Sacabo furan ku soo dhawaada
Waa dalkiinee ku soo dhawaada
Waa dadkiinee ku soo dhawaada
Sacabo furan ku soo dhawaada
Walaalayaalow ku soo dhawaada

Soomaaliyeedo qurba joogta
Soomaaliyeedow walaalayaalow
Soo dhawaada

Sokeeyihii wada heshiiyoo
Gadii waa saamaxeenoo
Soo dhawaada
Nabadii noo samaatoo
Saadaashu waa guul
Waa guul soo dhawaada

Waa dalkiinee soo dhawaada
Sacabo furan ku soo dhawaada
Walaalayaaloow ku soo dhawaada

Soo dhawaada soo dhawaada
Waa dalkiinee ku soo dhawaada
Soo dhawaada soo dhawaada
Waa dadkiinee ku soo dhawaada

Sabano dheeriyo sanooyin badanbaa
La idin sugaayee
Sabano dheeriyo sanooyin badanbaa
La idin sugaayee

Soo noqod wanaagsan
Sacabo furan ku soo dhawaada
Waa dalkiinee ku soo dhawaada
Waa dadkiinee ku soo dhawaada
Sacabo furan ku soo dhawaada
Walaalayaalow ku soo dhawaada

Walaalayaalow ku soo dhawaada
Walaalayaalow ku soo dhawaada
Walaalayaalow ku soo dhawaada

Soo noqod wanaagsan
Sacabo furan ku soo dhawaada
Waa dalkiinee ku soo dhawaada
Waa dadkiinee ku soo dhawaada
Sacabo furan ku soo dhawaada
Walaalayaalow ku soo dhawaada
Walaalayaalow ku soo dhawaada
Walaalayaalow ku soo dhawaada
Walaalayaalow ku soo dhawaada

Exit mobile version