Heesta Yaa gareyska - Lyrics
Jaango:
Sida Geenyo & Faras,
Ayadoo Gugii da'ay.
Gaashaamo & Siraw,
Garanuugle & tuban,
Geel didiska Xodayoo,
Garduur mayracanayo.
Kaymaha Gelgelimaha,
Godimada Xareedda leh,
Galabtii cadceedsada.
Oo Gadiidka harimada,
Guudkooda Sixinkiyo,( Sixin/Subag)
Gacmaha loogu dhaashiyo,
Sayntuna Gondaha iyo,(Gondaha/Lugaha qaybtooda Hoose)
Gaarayso Shirixyada,
Kuma Arag Gayaankaba,
Gabar kula sansaanleh,
Yaa Garayska kaa fura,
Kuu salaaxa Gaaddada,
Gurbad jacayl i gelisee,.
Sahra Axmed
Dadku kala gardaranaa
hadal dalaqsi fududaa
godobiyo lur jecelaa
Goorma barashoo laga tegey
garanmaayo wiilkee
Talow ayaa na kala gura
War bal gaabso oo joog
Guurkana ha ceebeyn
gabdhahana wax haw dhimin
Jaango:
Sida Goodir & Laan,
iyagoo Gayaxa maran,
Gaanaha la foofo,
Goolkaba ka muuqdheer,
Gurbad maqasha taallana,
Goor aanse kala tagin,
Ama Gaaris rimiyoo,
Awrku Gooxa-sheemoo,
Gaar-gaar ka fududayn,
Gacmahaaga Laafyaha,
Luquntiyo Garaaryuhu,
Galgashiimo weynoo, (Laalaabka Cududdada),
Aqal guradu yacaytahay,
Guudka laba Daryaala ah,
Garoorkii dhitadu-yaal,
Nin ku geeyey wacanaa,
Yaa Garayska kaa fura,
Kuu salaaxa Gaaddada,
Durba Jacayl i gelisee---(Gurbad jacayl i gelisee)
Sahra Ahmed:
Ragu galalaf weynaa
isagu usii wacanaa
dano quudhsi badanaa
Goormaa barasho laga tegey
garanmaayo wiilkee
Talow ayaa na kala gura
war bal gaabso oo joog
guurkana ha ceebeyn
gabdhahana wax haw dhimin
Saxid by Dalmar