Heesta Bilan - Lyrics
Sidaa dhul barwaaqa oo
Intuu dooggi baxay
Kuugu baahanahee
Barashada xaqdhawr
Adaa ii bahdee
Boqolkiba boqolbaan
Ballantii dhexdeennaa
Uga soo baxayaa
Ha beenaynin wacadkeennii
Bartilmaanta hablaha
Bilic iyo quruxbaad
Caashaqa igu beeree
Ha baylihin kalgacalkee
Barbarkaaga ka adkee
Sidaa wabigii bakool
Biya keenayoo
Balliyada xareedduna
Kuu baabay baa
Jacaylkeygii u butaacayaa
Bilaneey walaaleey
Boogtiisa caashaqu
Wey igu sii ballaadhee
Bogga kaalay igu qabo
Bartilmaanta hablaha
Bilicdiyo quruxdaada
Caashaqa igu beertee
Habaylihin kalagacalkee barbaarka ka adkee