Heesta Dhakafaar - Lyrics
markaaan ku dhawraba dhaal dhalaalka
quruxdiyo dheeheaga wacanbaa
timahayga doorshee
dhismahaaga guudkiyo dhererkiyo
lixaadkana dhexda taagada baan
dhakafaar ka qaadee
dhaayihii ku eegaa kugusii dhadhabayo
jacayl aan dhamaanbaad dhabtii
igu abuurtoo ma is dheelinaayo
maisku soo dhawaanaa ma is dhelinayo
dhabtamaisasaarnaa
marka aan ku dhawraba xubnahaaga
dhilan iyo dhaqdhaqaaqa laafyada
dhugmadaa ku raacdee
dhool ii hilaaciyo dhibicdiyoroobkuna
sida dheef aan helibaan hadba
kaa dhulsugayaa