VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Axaddii 2 - Lyrics

waa la ii adimay axadii sidaan kuu eegayee arageeda taan ku ildoogsadaay ma ilowsantahay axdigaad martiyo meeshaad i tidhi waan imanayaa imasaan fariin ergo soo dirtoo oontiyo biyaha hurdo aawaday uga soomanayd eed la iiga keenay midna amar ILAAHAY kuma aan maqnaanine adiga iska baadh hadaad i tidhaa iman maayo ma aadeen halkaad ogsoontahay indhahaa habeenkii ku ilaalinaayo gabigeedba aduunyada afarteeda waaxyood hadba gees u eegoo anigaa isla hadloo mar waxaan idhaahda ku ilaawi maysee way imane sii joo mar waxaan idhaa axdigaydun dhigateen kolna oofin maysee samir EEBE qaadoo ka fagow agteeda uurkayga galiyaa aramida jacaylbaa i hogaaminaysoo misna kama adkaystoo kama hoydo eydoo naftu olol ma daysee aamusnow habeenkii ugbaadkayga doogaan jeedaaliyaayoo idilkood xidigaha afar qaaday socodkee ubaxbaan guroo soo ururiyoo amrana u guree oodee badnayd ku ila xidhoo ku agdaadiyoo weheshada idhi eedaanka diigoo oogsaday salaadii waagoo iftiimaan kaligay inaan ahay asaraar ka saaroon adimada cuskadayoo dib usoo cadhoodee bal siday ahaataba laba iftay caawee qof amaano lumiyay iibsaday xilkiisi samaan ugama aaro aan kala warhaynaan ku af gooyay heestee maxay adiga kula tahay
Queue is empty
-- / --