VOA A B C D E F G H I J K L M N O P Q R S T U W X Y Z


Ayaaneey Lyrics

Barqadaan isbaranaa
Bilowgeeni shekada
Bogga kaa jecleystoo
Adigaa Ayaaneey
Jirkeygaad ku baahdee
Soo barashadaadii
Bidhaantaada quruxdiyo
Kaftankii umaan bogin

Biya dahaab lamoodyay
Badbaadadii nafteydaay
Bariiradada kaliyaa
Baryo idil ku qadayaa

Baaridaan jeclaadee
Bilistiyo hablaha
Ugu bilicsanaydee
Baahidaan, baahidaan aan kuu qabo
Beerkeey ku qorantee
Intaan leygusii badan
Ma’ibaxnaanineysaa

Biya dahaab lamoodyay
Badbaadadii nafteydaay
Bariiradada kaliyaa
Baryo idil ku qadayaa

Waxaay qoray : Bashiir Salaad

loading..
-- / --