VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dalkaynu aaminoo - Lyrics

Dalkeennoo aaminoo Awooddiiisii lahoo Amarku kala socanayoo Dagaalkii lasoo afjaray Anoo nool ma arkayaaa 2x Ilaahbaa garanayee Sideey nala tahay annaga Haddaan umaddiisu gabin Inshllh weey imaan 2x Dalkeenoo udug lahoo Ubuxu geeduhu qarshoo Siduuu quruxda u egyahay Indhuhu ku daraandaraan Haddeertaanba arkayaa 2x Ilaahbaa garanayee Sideey nala tahay annaga Haddaan umaddiisu gabin Inshllh weey imaan 2x Dalkeennoo aarsigiyo Aanada lagu hoobta iyoo Eexdii ka dhamaatayoo Qabyaaladdii laga il baxay Anoo nool ma arkayaaa 2x Ilaahbaa garanayee Sideey nala tahay annaga Haddaan umaddiisu gabin Inshllh weey imaan 2x Dalkeennoo urursanoo Aqoontu shaqaysa oo Caruurtu iskooladiyo Malcaamado aadayaan Haddeertaanba arkayaa 2× Ilaahbaa garanayee Sideey nala tahay annaga Haddaan umaddiisu gabin Inshllh weey imaan 2x
Queue is empty
-- / --