VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhibane - Lyrics

muxuu caashaqu dhinbiilo dhamaan oogada ku shiday muxuu dherer iyo laxaad intuu dhalan rogay korkayga waliba dhaawiciina gaadhay muxuu caashaqu dheg yidhi intuu isu kay dhajiyay muxuu dhuuxiyo lafaha intuu dhaawacay jidhkayga waliba dhiigana ku faafay maxaan dhooleey kalgacal dhanbaaliyo hadal macaan xagaaga ka dhawrayaa maxaan dhuubto dartaa intaan dhuuniga ka go'ay adigaa kuu ahay dhibane dhankaaga anoo u badan maxaan kaa daba dhacoo runtii kuu dhimanayaa muxuu caashaqu dhex galay dhanka beerkiyo wadnaha muxuu sii dhaafayoo intuu sii dhex maray laftayda waliba dhuuxayga taabtay muxuu caashaqu i dhibay dharaarana aan qarsaday muxuu dhamac iyo dab kulul intuu dhinacayga daaray waliba dhulku ila wareegay maxay naftu kula dhacdoo haweenba ka dhaersadoo muuqaaguun ku dhaygagaa maxay dhaayaha indhuhu dhibicda ilmada iga timid dartaa dhabanadu qoyeen
Queue is empty
-- / --