Heesta Fahan - Lyrics
Ugub xalaala baa tahoo
xumaan laga ilaalshoo
lagu sugay akhlaaqdee
Sida ila xareediyo
ubax soo baxayaa
isha qabatinkeediyo
aragtida ku wacantahe
Ayaan waxa leh fahaney
ninkii adi ku guursadoo
ooridiisa noqtee
ubadkiisa qaadaa
Anshaxa iyo asluubtiyo
edebtiyo xishoodka(wanaaga)
dadkaa kugu amaanee
kumey iman bilaashe
aabahii ku dhalayiyo
hooyada agteeda (maryanbaa_
kala timid inanyahay
Ayaan waxa leh fahaney
ninkii adi ku guursadoo
ooridiisa noqtee
ubadkiisa qaadaa