Heesta fur laabta - Lyrics
Waa filin jacaylkuu
Labada isku fiican
Ku farxaan sideennee
Ila fiirso caashaqa
Waa faraj jacaylku
Labada isla fahantuu
U furmaa albaabkuye
Ila fago dhankaaga
Faxal waa adoo kale
Farda gabadhii u qaadana
Fulin karan xaqeedee
Doqon faallo maleh
Fariid waa adoo kale
Fursadeeynu kulannaa
Filan kara wanaaggoo
Doqon faallo maleh
Kuu fasaxay naftaydee
Ii fudaydi taadoo
Ii fur laabta ii fur
Fadal yaa xayaatii
Fadal yaa nasteexoo
Kugu fiday naftaydee
Ii fidi gacmaha oo
Ii fur laabta ii fur
Fadal yaa xabiibi
Fadal yaa axmadoow
Waa ficil jacaylku.
Labada isla fulisaa
Ka faa'ida sideennee
Ila faafi caashaqa
Wuu fiday jacaylku
Feeraha iyo beerkiyo
Ku fogaayee dhiiggoo
Iga filo agtaaadaaa
Fanna waa adoo qura
Fagaaruhuu ka heesana
Fixin kara codkiisoo
Fanka darajo kuleh
Fanku waa adoo qura
Filkaa baa ku dhaaftee
Foodda qabo jacaylkoo
Fekar dabacsan hano
Kuu fasaxay naftaydee
Ii fudaydi taadoo
Ii fur laabta ii fur
Fadal yaa xayaatii
Fadal yaa nasteexoo
Kugu fiday naftaydee
Ii fidi gacmaha oo
Ii fur laabta ii fur
Fadal yaa xabiibi
Fadal yaa axmadoow