VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Gedo - Lyrics

Naftaydu inay dalxiistoo Indhuhuna ku doogsadaan Ayaan u daneeyay maankoo Dadaal wayn ugu jiraaye ALLOW darajee dhulkayga Dagaankaan jeclaayow ducaysan Hoy ducaysan waad na deeqdee Dushaan kaala soconaa daliyo dibad Waanan kuu ducaynaa Dalow iyo alooluhu Balad xaawa dagi karo Dalsankeedii ceelwaa Garbahaaray dagi karo Ama ceelcadoo dihin Bura aanba dagi karo Buurdhuubana dalxiis tahay Baardheere maan dago Maxaa dibadaha i dhigayee Anoo heli kara dalkaa Duunyada maan raacda oo Intaan wabiyada dilaacsho Dabkiyo yaanbada is baro Dalsankii dalkaygoo gugii da'ay Oon ku diirsado Naftu kaama daashee Daliyo dibad waan ku daawadaye DAA'IMKEEN ha kula jiro Dalow iyo alooluhu Baardheere dagi kara Dalsankeedii ceelwaaq Garbahaaray dagi kara Ama ceelcadoo dihin Buro aanba dagi karo Buurdhuubana dalxiis tahay Bakad xaawo maan dago
Queue is empty
-- / --