VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hadaan Baalal Leeyahay - Lyrics

Balagbaa la ii luli Waa boqol kunoo mayl Nafta la iiga baaqee Jacaylka iga maagee 2x Bari kale uu dhooftee Bari kale uu dhooftee Badhna haray sideebaa Suga baadi doonaa Badhna haray sideebaa Suga baadi doonaa Hadaan baalal leeyahay Bariga sooma duuleen Hadaan baaxad leeyahay Bada soo ma jiidheen 2x Sow bilic haldhaalay Barta ay ku nooshahay Kuma waa bariirsteen Alahayoow Cid ii bixi 2x Boholyowga caashaqu Siduu ii bariisaday Dhaaxaan degmooyee Hurdo kuma bariistee 2x Bad joogtiyo qaaliyoo Bad joogtiyo qaaliyoo Baroordiiqsheen biraha Igu soo bariidshee Baroordiiqsheen biraha Igu soo bariidshee Hadaan baalal leeyahay Bariga sooma duuleen Hadaan baaxad leeyahay Bada soo ma jiidheen 2x Sow bilic haldhaalay Barta ay ku nooshahay Kuma waa bariirsteen Alahayoow Cid ii bixi 2x
Queue is empty
-- / --