damaca igu jira qof daadihin kara
dawada caashaqa durbaba siin kara
dareenka rasmiga ah dugsi u noqon kara
cadawga duulka huuno kala dila
dibnaha gooyo dacar cabsiin kara
ayaan doonayaa ayaan doonayaa

dunida maanta ah qof walba dookhii
ayaa u daranee aniga daganeey
adaan ku doortee jacaylka daadihi

dalkiyo dibada qof ila dagi karo
danaha gaarka ah qof ila dabi karo
daruurta cirka dayaxa ila taga
kuwii ina daba gala caashaqa dumin raba
qof ila dafiroo dabka ka damin kara
ayaan doonaya ayaan doonayaa

Exit mobile version