allaa mahada leh muqdishaay
marka hore salaan guud
marka xigana hambalyada
waad mutaysatoo
maankaad u tahay wehel
mar hadaan dhexdeenii
maanta aan mushaaxnoo
ma huraan walaaloo ah
maamuuska awgiii
ii wada mashxaradeen
ana waxaan ka ahay marag
mudan inaa u tahay nolol
iyo magaca soomaaliyeed
dhamaan ila maqsuudeen

allaa mahada lee muqdishaay
mar haday bilicdaadidiyo
muuqaalkaaga wacan
ishu muhatayoo
lagaa maarmi karin
mar hadaan badwayntii
lliido muquurto
masraxii dalkeenaa
mashaqiyo dhibtuu qabo
la wadaago murugada
ana waxaan ka ahay marag
mudan inaa u tahay nolol
iyo magaca soomaaliyeed
dhamaan ila maqsuudee

Exit mobile version