VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ubaxa Caashaqa - Lyrics

Yaasmiinee aduunyadan Inta aan dul joogiyo Nolashayda idilkeed Ka sakoow ILAAHAY Adigaa ku aaminay Ayaamaha kalgacalkee Dadku ay afeesteen Intaan ubaxa caashaqa aan aayar soo guro yaan aktaada iyo Aqal kaaga dhigayaa Arimaha dhaxdeeniyo Axdigana adkeeyoo Inaan adi ku jeclahay Weligaa ogsoonoow Macaaneey ogsoonoow Yasmiineey aduunyadan Inta ina duljoogtee Ifka saaray gabigood kaa doortay adigoo Naftaa ku ogalaatee Axadaan is baraniyo Ogow aqalgalkeenii Goortay ahaataba Adaan kula dabaal dagi oo orideeda ah Ubax kugu dulshubayaa Arimaha dhaxdeeniyo Axdigana adkeeyoo Inaan adi ku jeclahay Weligaa ogsoonoow Macaaneey ogsoonoow
Queue is empty
-- / --