Yaasmiinee aduunyadan
Inta aan dul joogiyo
Nolashayda idilkeed
Ka sakoow ILAAHAY
Adigaa ku aaminay

Ayaamaha kalgacalkee
Dadku ay afeesteen
Intaan ubaxa caashaqa
aan aayar soo guro
yaan aktaada iyo
Aqal kaaga dhigayaa

Arimaha dhaxdeeniyo
Axdigana adkeeyoo
Inaan adi ku jeclahay
Weligaa ogsoonoow
Macaaneey ogsoonoow

Yasmiineey aduunyadan
Inta ina duljoogtee
Ifka saaray gabigood
kaa doortay adigoo
Naftaa ku ogalaatee

Axadaan is baraniyo
Ogow aqalgalkeenii
Goortay ahaataba
Adaan kula dabaal dagi
oo orideeda ah
Ubax kugu dulshubayaa

Arimaha dhaxdeeniyo
Axdigana adkeeyoo
Inaan adi ku jeclahay
Weligaa ogsoonoow
Macaaneey ogsoonoow

Exit mobile version