crabkiyo dhanxaraga
ciridkiyo ilkahaa
caanahay ku nuugtaa
wali kasoo cartamayee
ana sidaan u caashaqay
calwo saaday oo kacay
canabeey kolkaan idhi
cidlo noqotay meeshii
cosobiyo dhul doogiyo
caw baarta dheeriyo
cadaleey ku dhalatee
ninkay calaf u noqotaa
cuno ay u karisaa
cawo iyo ayaan lehe

camuud kuma istaagtooo
cagta qodax kama mudo
camal kuma tilmaaniyo
caasi waalidaynkii
ana waxaan ku caashaqay
cidhibtiyo kub naasaha
cabir lagu sameeyo
cantoobsiga ku fiicane
cosobiyo dhul doogliyo
caw baarta dheeriyo
cadaleey ku dhalatee
ninkay calaf u noqotaa
cuno ay u karisaa
cawo iyo ayaan lehe

Exit mobile version