Heesta Bakoorad - Lyrics
Adigoo bad qabaa
Anaa ku bukoon
Adigoo bad qabaa
Anaa ku bukoon
Kuu go,ee
Baylo ha iga tagin
Kolna ha iga biqin
Beena ha iga filan
Kolna ha iga biqin
Beena ha iga filan
Kolna ha iga biqin
Beena ha iga filan
Bisinkiyo burdihii
Bakaaro casaa
Nafta baarashuudkiyo
Baxar ha iga galin
Badu waa balaayee
Waligaa ha baran
Ka baqo iyo bariga
Banaanka degnaaw
Bugta iyo baasaboora
Kambaala ku qaadan
Buufis yuu ku qaadine
Beenta iska diid
Barashadii ka horbaan
Boga kaa jeclaa
Wax walba i doontaa
Beerku i balbalay
Bari hore markaan helay
Baabihii ku dhalay
Bugta aan u baaxshoow
Iigu kaa bilay
Farxadbaan la boodoo
Baartibaan dhigay
Baxsaneey waxaan ahay
Boqole ku jecel
Badhaadhee noloshaan
Bacsadaa u weyn
Anigaa biilkaagii
Bilicdaada raba
Adigoo bad qabaa
Anaa ku bukoon
Adigoo bad qabaa
Anaa ku bukoon
Kuu go,ee
Baylo ha iga tagin
Kolna ha iga biqin
Beena ha iga filan
Kolna ha iga biqin
Beena ha iga filan
Kolna ha iga biqin
Beena ha iga filan
Buuraha salkoodiyo
Bacaha jaray
Biyahana baligiyo
Banaanada dhiga
Ninka baahi u qabo
Bilaana dari
Inuu yahay mid bukoo
Dirtu ku fogtahay
Bila joogi karinoo
Boogta ku fikee
Baariyay miyaad arag
Mise uma bogin
Barniyey jacaylbaa
Wiilka biisaday
Marka uu basaaso
Boota ma wadee
Ala baaqa la garoo
Dhanka bidix qabo
Aroos baaxad weynbaa
Buusha nii tumi
Buusha nii tumi......
Adigoo bad qabaa
Anaa ku bukoon
Adigoo bad qabaa
Anaa ku bukoon
Kuu go,ee
Baylo ha iga tagin
Kolna ha iga biqin
Beena ha iga filan
Kolna ha iga biqin
Beena ha iga filan
Kolna ha iga biqin
Beena ha iga filan