VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Deeqo - Lyrics

wadnahayga doogtiyo dakharadii jacaylkaa intay dacal wareemeen dalool wayn ka jeexdoo sida wabi dur durayuu dhiigay u daatoo dabiib iyo wadaadiyo ima daayo caashaqu adigaa i daaroo ku dahaaran seedooo diihaalka caashaqa dab ku shidaaya beerko deeqooy walaaleey waxaan doonayaayoo daaimkana ka tuugaa inaan dadab galnaayoo aqal daahya wayn iyo dagal kula haluulaa daruuraha dhexdoodiyo xidigaha dushoodaan intii dayax tagaysiyo dumar daraja dheertoo sidaa ubax dayr boxoo daymada u roontoo dareen iyo kalgacalkiyo ha igu daawan jacaylka adigaa i deeqoo qalbigayga dagayoo cishqigan i daashaday damqinaaya boogtoo
Queue is empty
-- / --