dhalinyarooy dalkeenii
dawladbaa dhalatoo
dhulkii waa nabadee
dhaayihii wadankaygoow
dhiig la daadshiyo
dagaal dhex deena
aan ka dhiidhino
dhamac iyo rasaas
ku dhamaan mayno

dad wada dhasoo
isku dhiiga dhaqan iyo diin
isku dhana aan la dhawraan
nahayee

dheemanbaa ka buuxoo
nimcadaa dhoobane
dhalintii arligaygoow
qarax lagu dhintiyo
dhagar qabayaasha
iska dhiciya dharaar iy
habeen kuwa dhigaya

Exit mobile version