hodaneey aduunyada adigaa hanaankiyo
qurux ugu horeeyoo
sidii onkod hilaaciyo daruur hoortaybaa
caashaq ii haleeloo

sidii idan harkaygiyo hooskayga tahaybaa
hareerta kaa dayaaye

hodaneey hablaha hadii aan humaagiyo
muuqaaga haybshoo
sidii haadka duuliyo haf intaan iraahdaan
hortaada tagaayo
sidii inuu haatufkiyo hud hud ii yimidbaan
warkaaga helaayoo

Exit mobile version