Burji iyo nasiiblaay
barwaaqada ka cararaay
abaartana u baydhaay
khayrka balo ka jeceleey
belo iyo baaska jeceleey

Wuxuu dumar ka baqi jiray
iyadu u badheedhaay
bilic lagu khasaaraay

Boqoradii haweenkaay
hablaha laga la soo boxo
bariyo taan u haystaay

Jacaylkan mudada badan
Baarkanuu fidhaaiyo
Beer laxowsi gaagii
kabogsoodayee kowdhe

Buugii sirtaadiyo
toogtaadii waan helay
kaagana bexee laba dheh

Waxaan baaq u dirayaa
tacsi ugu buun dubayaa
caashaqeenii berigii
barbaartii wax ka ogeyd
galiin soor bankiisiyo
baadiyihisa lagaa helo
beel guba inaad tahay
ileen beeni raad ma leh
na dhex mari bariidadu
ileen waan isbaranee

Waxay see balo kajoogtaa
boqol midabya leyee
kan dambeed isbarataan
sidi bohoosha ugu ridi

Balwadaadu leediyo
hadii baarka curubiyo
bulsho iyo taleex tahay
dhaqanka la’ baqooshee
biirka iyo dhayldu
inte bari inte bari intee
inte bari bay ku wadayaan

Saxid by abdisamd hassan suleiman

Exit mobile version