Heesta Canabeey - Lyrics
Canabeey ilaahay
Cimrigaaga dheeree
Caaraarna kuma bado
Canabeey ilaahay
Cimrigaaga dheeree
Caaraarna kuma bado
Kaa xoree cadaabkoo
Ha ku seexan ciilbeer
Curadkeeda wiil iyo
Taf ku caanaley noqo
Kaa xoree cadaabkoo
Ha ku seexan ciilbeer
Curadkeeda wiil iyo
Taf ku caanaley noqo
Cadawgaagu kuu daran
Caku iyo hahdiisii
Cadawgaagu kuu daran
Caku iyo hahdiisii
Carabkiisu kuma karo
Caashaqu se waa balo
Cayaaruhu ka weyn
Cayaaruhu ka weyn
Cadawgaagu kuu daran
Caku iyo hahdiisii
Cadawgaagu kuu daran
Caku iyo hahdiisii
Carabkiisu kuma karo
Caashaqu se waa balo
Cayaaruhu ka weyn
Cayaaruhu ka weyn
Dawada la ii cabsiiyiyo
Cirbada la ii mudayaa
Dawada la ii cabsiiyiyo
Cirbada la ii mudayaa
Caashaqa ma biisaa
Caafimaad ma leedahoo
Caashaqa ma biisaa
Dawada la ii cabsiiyiyo
Cirbada la ii mudayaa
Dawada la ii cabsiiyiyo
Cirbada la ii mudayaa
Caashaqa ma biisaa
Caafimaad ma leedahoo
Caashaqa ma biisaa
Rag inuu cataabaa
Ceebtiisa weeyee
Ma inuu sidii cadaw
Rag inuu cataabaa
Ceebtiisa weeyee
Ma inuu sidii cadaw
Ku calool adkaadee
Cirku kuguma soo dumin
Calafkaana kuma goyn
Lugta dheer la weydee
Ku calool adkaadee
Cirku kuguma soo dumin
Calafkaana kuma goyn
Lugta dheer la weydee
Candhuuftiyoo ilaahii
Ciida kaa abuuree
Candhuuftiyoo ilaahii
Ciida kaa abuuree
Cad nool kaa sameeyee
Inuun cindigaaga kaasho
Ciriiri ha isku beerine
Ciriiri ha isku beerine
Waxaan kaa codsanayaa
Ha cadibin naftaadee
Waxaan kaa codsanayaa
Ha cadibin naftaadee
Ciil ciil ii kaa baray
Calwadbaa ka taaloo
Xiska kali ku taalaa
Waxaan kaa codsanayaa
Ha cadibin naftaadee
Waxaan kaa codsanayaa
Ha cadibin naftaadee
Ciil ciil ii kaa baray
Calwadbaa ka taaloo
Xiska kali ku taalaa
Dawada la ii cabsiiyiyo
Waxaan kaa codsanayaa
Cirbada la ii mudayaa
Ha cadibin naftaadee
Dawada la ii cabsiiyiyo
Waxaan kaa codsanayaa
Cirbada la ii mudayaa
Ha cadibin naftaadee
Caafimaad ma leedahoo
Ciil ciil ii kaa baray
Caashaqa ma biisaa
Calwadbaa ka taaloo
Caafimaad ma leedahoo
Xiska kali ku taalaa
Caashaqa ma biisaa
Caafimaad ma leedahoo
Cashaqa ma biisaa