VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dayaxa iyo cadceeda - Lyrics

Dayaxiyo cadceedaa doraad la iiga yeedhoo daruuraha korkoodaa durmaan la iiga tumayee dariiqaan ka laabtana dabaylihii jacaylkaa igu soo dagaayoo daris aanu noqonee midaan daawadoo kale dunidaba ma joogtee meeday dahabadaydii mida dayrta ah maanta ama daawadaa helay amase daalayo dhacay digfeer aawadaa galay jacaylkii cilmiba dilaa igu dooganaayoo dadka kale ma aadee anaa la iga daba riday intaan dumar jeclaadaa dookhu ila habaaboo sida aan dardaranay iska daba wareegtee midaan daawadoo kale dunidaba ma joogtee meeday dahabadaydii mida dayrta ah maanta ama daawadaa helay amase daalayo dhacay digfeer aawadaa galay
Queue is empty
-- / --