Heesta Hadagan nimcooy - Lyrics
Hadagaan nimcooy hadagaan
Hadagaan nimcooy hadagaan
Dumar ugu fil rooneey
Dabeeyl caafimaadeey
Indhahaa dawoo u tahay
Daganida asluubtiyoo
Dulqaadkiyo xaqdhoowrkaa
RABBI kuugu deeqoo
Dadnimada dadnimadaa
Kahodan tahayee
Maxaan damac Rageediyoo
Daymo caashaq waayadaan
Ku dul meerayaayoo
Diidayaa odhaahdii
Sida roobka deeyreedoo
Da'ayoo kalaan
Sida roobka deeyreedoo
Da'ayoo kalaan
Waan ku doonayaayee
Hadba ku dayaa
Ubaxoo dilaa ciyoo
Dayax shan iyo tobaanaay
Waad i deeqde waad i Deeqdee
Kuu daawadaa
Maxaan damac Rageediyoo
Daymo caashaq waayadaan
Ku dul meerayaayoo
Diidayaa odhaahdii
Ku dul meerayaayoo
Dib u noqonayaa