VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hal xidhaale – Haygu nacin hanti la’aan - Lyrics

Hada iyo habeenkii Hadal barashadaynii Helistaada mooyee Hawo kale kumaan jirin Hubaal weeye maantana Inaan heegan ugu jiro Hoolaha kalgacalkiyo Hooy wada galkeenii Hoodo iyo nasiibyo Hool aan adeegsano Hodanay amuuuruhu Inay noo hagaagaan Naftaana kuu hibeeyo Hooygaad ku dhalataan Hido raacayaayee Haygu nacin hanti la'aan Hal xidhaale haba qaad Murti lagu hantaa jira Haasawaahaynuna murti waaye Dhaxal gal ah Hadalkaaga madashuna Waa hore waaba tii aan Howraarsan kuu idhi Aana kugu hanweenaay Ma hungoo caashaqa La hayaa hareeraha Kii labo uheelani Habeeya sideena maray wada hergaliyaan Naftaana kuu hibeeyo Hooygaad ku dhalataan Hido raacayaaayee Haygu nacin hanti la'aan
Queue is empty
-- / --