Digfeer
Hada iyo habeenkii
hadal barashadeenii
Helistaada mooye
Hawo kale kumaan Jirin
Hubaal weeye maantana
Inaan heegad ugu jiro
Hawlaha kalgacalkiyo
Hooy wada galkeenee

Hoodiyo nasiibiyo
hor allan adegsaday
Hodanee amuurahu
Inay noo hagaagaan

Naftaan ku hibeeyo
hoygaad ku dhalata
horay kugu raaco
ha igu nicin hanti la’aan

Exit mobile version