Hurdi waaye awgaa
Kaagamana hooydee
Bal inaan harsado
Sida hooyo wiilkayd
Hab isoo dhahee

Hoolaha aduunkaa
Ihareero yaalee
Hibooy Inaad abtahay
Haduu hilibkayga kugu yaal
Halbowlaha wadanhuu ma ahboo
Dhiiga uma humbeeyoo
Hagaag uma shaqeeyee
?

Hibooy Inaad abtahay
Haduu hilibkayga kugu yaal
Ama habeen qudha
Kaa galay hunguri
Haka aamusinee
Nafta baas la hadaloo
Haasaawi galab qura

Habeenkaad ka maqantaa
Hool la iga tariyaa
ILaa hibta waabariigii
Hambalyo iyo saalaan baan
Soo dira hawada

Halkii aad mareesaan hadayaa
Qalbiga kaaga heesaa
Milicduna ihaysa
Anigoo diif jaceyl qabaa

Hibooy Inaad abtahay
Haduu hilibkayga kugu yaal
Ama habeen qudha
Kaa galay hunguri
Haka aamusinee
Nafta baas la hadaloo
Haasaawi galab qura

Inaan kuu hagar la ahay
oo aan kuu hanweenahay

Halkii aad mareesaan hadayaa
Qalbiga kaaga heesaa
Milicduna ihaysa
Anigoo diif jaceyl qabaa

Hibooy Inaad abtahay
Haduu hilibkayga kugu yaal
Ama habeen qudha
Kaa galay hunguri
Haka aamusinee
Nafta baas la hadaloo
Haasaawi galab qura

Exit mobile version