Heesta Hooto - Lyrics
Markaad hooto ila haleeshay
Halbawlaha markaad i goysay
Markaan aawadaa hanqaarmay
Naftaydii halistu gaadhay
Miyaad hir caleenle iyo
Doog adigu haysataayoo
Hawshayduba kuuma taal
Intaan kuu hiilinayaayee
Adiga kuu heelanaabaad
Hogay ii qodaysay
Jacaylkan aniga helay
Hoostayda intuu ku keeno
Miyaanan dawo caafimaad
ilaahay ka heli karin
Hoohoo hoo hoo hooooooo
Haahaa haa haa haaaaaaaa
Hoohoo hoo hoo hooooooooo
Haahaa haa haa haaaaaaaaaaa